>
>JEN. CUMAR XAAJI MASALLE
>MAXAAD KA TAQAAN ?
>1-HORDHAC
>waxaa marag madoonto ah haddii qolo lagu tilmaami karo inay ceeb ka
>simanyihiin inay Soomaalidu ka simantahay qoris la,aanta taariikhda iyo
>diiwaan galin la,aanta dhacdooyinka , taasaana keentay inay umada
>hortaagnaadaan raq ku nooshii dalka qaarna gubay qaarna gatay , xumaan waji
>kastoo ay leedahay soomaaliya waa ka dhacday , dilbaa dhacay , bililiqaa
>dhacaday , kufsibaa dhacay , dadkii xornimada u soo halgamay baa waxna la
>dilay waxna la duuflaalshay , ( xabagtii waxaa cunay kuwii xaawo gawracaye )
>waxaasoo dhib ah waxaa gaysanayay u adeegayaashii gumaysiga shalay iyo
>maantaba , waa boqol sano intay na gumaadayaan , waligoodna ma toobad keenin .
>
>haddaba maxaan goor walba u cafinaynaa danbiilayaasha ? hadaanse cafinay kii
>dorraad gumaystaha u shaqaynayay , kan maantay hadba dagaan cusub dabka
>saaraya , kan had iyo goor u taagan inaan dadka maantay nool qofina ka harin
>si,aan danbigiisii agoonta loogu sheegin , maxaan wali ugu ogolnahay inay
>kaligood hogaanka siyaadda qabtaan oo hadba god madaw nagu tuuraan ? maxaan u
>
>aqbalaynaa inay marba magac noola baxaan , oo nagu beer laxawsadaan Eheliyad ,
>
>walaalnimo , iyo Islaanimo IWM ? waa dhab waa waqtigii agoonka loo sheegi
>lahaa ninkii aabihiis dilay , waxaa waqtigii maxkamada la saari lahaa burcadda
>
>siyaasada ee laynta shacabka codka iyo magaca ku raadsada , waxaa la hubaa in
>
>lala dagaalo oo bulshada horteeda laga leexiyo , inay ka dhibaato yaraan la
>hayd intay dadka horjoogi la haayeen oo hadba dab cusub na galin lahaayeen ,
>maxaa yeelay waa dulmiilawyaal aan wax khayr ah looga baran . Ayeeyadu waa
>inay wiilkeeda u sheegtaa ninkii awowgiis dilay , hooyaduna waa inay u xafidaa
>
>uur ku harka ninka asayda u saaray , umaduna waa inay aruurisaa akhbaarta
>burcada siyaasada si maxkamad loogo soo taago. Anagoo arimahaas iyo kuwo la
>mid ah tixgalinayna waxaa nala haboon inaan Qawlaysatada no hortaagan waxay
>yihiin is waydiino , waxay galeen iyo waxay gaysteenna is xasuusinaa ,
>taasaana igu kaliftay inaan qoraalkan sameeyo.
>
>2-CUMAR XAAJI IYO XILLIGII DOWLADDA
>Jen.cumar wuxuu ka tirsanaa ciidankii xoogga dalka soomaaliyeed wuxuu muddo
>dheer caan ku ahaa khamra cabidda wuxuu ahaa sarkaal kii loo xil saaray
>toogashada tobankii wadaad ee sanadkii 1975tii lagu toogtay xamar kadib markay
>
>diideen in xeer madaxtooyo lagu badalo aayadda quraanka ah jen.Cumar oo uu aad
>
>u kool koolinayay madaxwayne M.S.Barre ayaa gaaray sideetameeyadii darajada
>Generaal iyo waliba wasiirka gaashaandhiga ,runtiina labada darajaba waxaa
>lagu siiyey qaab musuqmaasuq ka muuqday oo saraakiisha xoogga dalka ka
>caraysiisay , hasa yeeshee muddo gaaban kadib 1981kii ayaa magaalada baydhabo
>
>laga soo xiray iyadoo lagu eedeeyey in uu jaajuus ahaa sidaasna waxaa ku qoray
>
>buugiisa qarannjabkii soomaaliya Aw Jaama Cumar Ciise ,sidoo kale idaacadda
>BBCda ayaa soodaysay codkii axmed suleymaan dafle oo 1982dii ku eedaynaya
>jaajuus in uu u ahaa xabashida iyo dalal kale , waxaa kaloo arintaas
>xaqiijiyey saraakiil kamid ah ciidamadii SSDF ta ee kagarab dagaallami jiray
>ciidankii itoobiya iyagoo sheegay inay xabashidu xogta ugu badan ka heli
>jirtay Cumar Xaaji inta badanna lagu go,aan qaadan jiray xog warrankiisa ,waa
>
>yaabe waxaa loo magacaabay wasiirka caafimaadka iyadoo laga fageynayo ciidanka
>
>kaddib markii la ogaaday in uu sirdoonka maraykanka xiriir hoose la leeyahay
>,hadal uu u jeediyey shaqaalihii wasaaradda caafimaadka ayuu ku yiri (aniga
>waxaa la,ibaray sida naf loogooyo idinkana waxaa la idinbaray sida naf loo
>badbaadiyo marka aan sidaas kuwada shaqayno)waxaa muuqata inuu jananku wali
>kujiro ku dhaqanka aqoontii labaray ee ahayd sida naf loo gooyo
>
>3 .CUMAR &MAAMULKII URURKA SNF.
>MARKII AY BUR BURTAY qarannimadii soomaaliyeed dalkuna uu galay dagaalkan
>hadda kow iyo taban jirsaday , Cumar wuxuu ka mid ahaa Jananadii dhiigga
>umadda magaca & kursiga ku raadinayay , beeshuu ka dhashayna waxay u dooratay
>
>gudoomiyaha ururka SNF , inkastoo markii la dooranayay odayaal wax garad ahi
>ku taliyeen in la doorto Awr hayin ah oo gur gurshaa ah ee aan la dooran
>qaalin buub ah , taladaasise dhaga awdan bay ku dhacday oo waxaa la doortay
>buubaaagii , dhacdaas kaddib wuxuu janaku qayb wayn ka qaatay bur burkii iyo
>baabi , ii dalka ka dhacay , boobkii & bililiqadii ayuu saamigiisa kaqaatay ,
>
>shirarkii dib u heshiisiinta badankood wuu ka qayb galay , ragii caqabadda ku
>
>ahaa ayuu mid ka ahaa , siday dad xog ogaal ahi sheegeen sanadkii 1992 kii
>wuxuu magaalada NAIROBI kula shiray sarkaal safaarada maraykanka ka tirsan ,
>wuxuuna u sheegay in ciidanka beeshiisa ee jooga Buurhakaba aysan fara galin
>ku samayn dagaallada ka socda xamar ee u dhexeeya labada garab ee ururka USC ,
>
>halkoodana ay ku nagaadaan , waxaa kaloo loo sheegay in ay go,aan deg deg ah
>ka soo gudbiyaan joogida madax waynaha gobolkiisa , danta maraykanku waxay
>doonto ha noqotee Jananku arrintaas waa fuliyay , wuxuuna Baydhabo u diray
>wafdi ka kooban rag ay isku dhawaayeen jen. Gaanni oo waagaas amaanduule u
>ahaa ciidankii dhanka Gedo kala dagaalamayay ciidankii USC da , islamarkiina
>waxaa bilawday xiriir dhex maray Caydiid & Gaani oo aan dhabtii wali la
>fahmin nooca uu ahaa & cidda ka danbaysay , iyo khilaaf beeleed oo dhex maray
>
>Gaani & M. S. Bare ,kaasoo sababay in muddo yar kadib degmooyinka Gedo oo dhan
>
>ay gacanta u galaan ururkii USC da. Markii uu Caydiid Gedo qabsaday Jananku
>waxuu u qaxay dalka Suuriya , hase yeshee markii laga saaray mudo kadib ayuu
>soo laabtay , gobalka oo nabad ah laguna jiro ka soo kabashada dagaaladii
>sokeeye , markaan waxaa dabada ka waday xafiisyadii Unisom , wuxuu la yimid
>dhulka waa in laga saaro asalraaca , muddo gaaban gudaheed wuxuu gobalka
>geliyay xasaasiyad &xiisad dagaal , wuxuu qabtay shirar tiro badan oo dadka
>gobalka colaad looga dhex abuurayo , dadaal ha bixiyee kuma uuna guulaysan in
>
>uu dagaal huriyo, colaadda uu Cumar beeshiisa u hayo ma ahayn mid ku dhisan
>mabda, oo kaliya , waase colaad soo taxnayd ilaa muddadaii xariggiisa . 1994
>tii Cumar rag saaxiibadiis ah ayuu u sheegay ha dhawaato ama ha dheeraatee
>inuu mar un cida dagaal ka dhex shidi doono. Tillaabo walba ayuu isku dayay oo
>
>ay ugu darnayd warqaddii diin la,aantu ka muuqatay ee uu u qoray 1994 kii
>safaaradaha rer galbeedka iyo Ethoipia ee kenya degan . warqaddaas oo aad u
>dheerayd wuxuu ku soo gaba gabeeyay ( haddaan reer galbeedku si deg deg ah
>itixaadka wax uga qaban , Soomaaliya waxaa ka dhalan doonta dawlad islaam ah
>oo sida tan Suudaan ay hadhaw dhib noqon doonto si loo bur buriyo ) waxaase la
>
>yaab leh sida uu Cumar u soo minguuriyay taladii uu soo jeediyay Andro wisky
>sanadkii 1992 kii .
>Odayaal reer garbahaaray ah ayaa usoo jeediyay in lagu dhaqo gobolka
>shareecada islaamka , wuxuuna ka bixiyay shareecada tusaalahan foosha xun ,
>isagoo adeegsanaya falsafaddii shuuciyada ayuu yiri ( saddex qof oo indha la ,
>
>ayaa loo keenay Maroodi , midbaa dabada ka taabtay midna iligga ayuu ka
>taabtay midna dhabarka ayuu ka taabtay. Markii mid walba la waydiiyay Maroodi
>
>ka warran ayaa mid yiri waa laf dheer oo adag , midna wuxuu yiri waa wax
>buuran oo duf leh , midkii kalaa wuxuu yiri waa wax dhuuban oo faraq leh , mid
>
>waliba meeshii uu taabtay ayuu u fahmay maroodi , kolka diinta waa qofba siduu
>
>u fahmo ) xaqiiqada eraygaani waa in aysan diinta islaamku lahayn asal jira oo
>
>la raaco , cid walbana siday doonto ay ka yeesho.
>
>4. CUMAR XAAJI & ETHOIPIA
>jen. Cumar wax uu hagankaas indha la, ku jiraba , waxaa u cadaatay inaysan
>suurta gal ahayn inuu gobalka ka rido dagaal sokeeye , wuxuu go,aan ku gaaray
>
>in cadaw shisheeye la,adeegsado in ay lama huraan tahay ,oo waa kuma
>cadawgaasi ? taladii Tigree waa dhaafi wayday , si, uu hawshaas u guda galana
>
>wuxuu bishii May 1996 dii kula shiray safaarada xabashida ee Nairobi wakiillo
>
>itooboyaan iyo maraykan ah , halkaas ayaana lagu go,aanshay weerarkii
>xabashidu ku qabsatay qaybo ka mid ah gobolka Gedo , si hawshaas loo dhamays
>tirana wuxuu saraakiil itoobiyaan ah kula shiray magaalada suufka bishii July
>
>ee 1996 dii xaga soomaalida waxaa cumar ku wehliyay shirkaas Afar nin oo kale
>
>, nimankaasi waxay ahaayeen niman ka tirsan lafo kala duwan si xabashida looga
>
>dhaadhiciyo imaashahooda dadkoo dhani sugayo ubaxna lagu soo dhawayn doono ,
>ragaase kuwee ahaayeen halkeese ku danbeeyeen?:
>1. Dr: Cali nuur oo reer Xasan ah , ugu danbayntiina waxaa lagu dilay weerar
>xabashidu soo abaabushay.
>2. Xasan Ugaas oo Talxe ah asna waxaa lagu dilay isla dagaalkii Cali nuur lagu
>
>dilay.
>3.Xassan Deer oo reer Axmed ah , isla dagaalkaas ayaa waxaa qafaalatay
>Tigreeda meel uu ku danbeeyey nolol iyo geeri toona lama oga
>4.Xaaji Yuusuf oo Calidheere ah , isana wuxuu si dirqi ah uga fakaday
>dagaalkaas saaxiibadi lagu gaba waray , haddii afartii nin ee shirqoolkii
>dadkooda iyo dalkooda kala qayb galay Cumar Xabashidu sidaas u gashay muxuu
>ugu quus qaadan la,yahay ? Gabyaa baa yiri :
uulkii Ibliis saar u tumo oo la sababaayo
>Salka meel ma dhigo balo nimay soo kac leedahaye.( Abwaan Tansaaniya )
>Ugu danbayntiina Ethoipia Gedo waa soo weerartay , dad iyo duunyo badanna
>cagtay marisay , haddaba sidee wax u dhaceen ? , subaxdii jimcaha 9.8.1996
>kii ayay ciidamada Ethoipia weerar millateri kusoo qaadeen degmooyinka Luuq ,
>
>B/xaawo , & Doolow sadexdaba gacanta ayay ku dhigeen waxay halkaas ku dileen
>ilaa 200 oo qof , hanti badan bay qaateen , guryo badan waa gubeen , Luuq &
>B/xaawo waxay ku garaaceen madaafiic cul culus , Diyaaradana waa ku dukheeyeen
>
>, kaddib markii dagaalkii kafool kafool ka ahaa kululaaday , maktabadihii iyo
>
>masaajiddii magaalooyinkaas wixii kutub yaallay waa rarteen, kadibna waa
>gubeen , dhacdadaas jananku kama nixin , kamana xumaan , maadaama ay dadka la
>
>laayay ahaayeen Ajnabi isaga yimid daafaha aduunka , Ethoipiyana ay xaq
>darisnimo nagu leedahay waa siduu yiriye. Hadalkaas wuxuu u sheegay wargayska
>
>Al-xayaat ee ka soo baxa dalka Ingiriiska & idaacaadda BBC da laanta Af
>soomaaliga , mar labaad ayay ciidanka Ethoipia weerar kusoo qaadeen isla
>sadexdaas degmo 12.6.1997 dii , labadaas weerar & dagaaladii u dhexeeyayba
>Itoobiyaanku waxay dileen dad ka badan 700 oo qof , oo rag ,haween iyo
>caruurba leh , waxay rarteen madaafiicdii lidka Diyaaradaha ee yaallay xerada
>
>libsida ee degmada Luuq , intaasoo dhan Cumar Xaaji ogolaanshihiisay ku
>sameeyeen , asaguna markay waxaasu dheceen ayaa diyaarad ciidan looga soo
>dajiyay B/xaawo halkaasuu ka khodbeeyay isagoo sheegay inayan abaalka Ethoipia
>
>gudi karin , wuxuu naxariis la,aan ugu digtay dadkii dhacaankooda dhulka la
>dhigay , ragbaa maalintaas ku cel celinayay tixdii Faarax Xusseen Sharmaake:
>Ninna aanadiis kama damana dir & daaroode
ulmi qaadan maayoo fir ceeb diiddan baan ahaye
>Ninkii aniga iga doorranaw hay dakanadayda
>su,aashu waa muxuu filayay maxaase dhacay ? wuxuu filayay in ay Amxaaro
>fuliso heshiisyadii lagu gaaray Nairobi &Suufka oo ay kamid ahaayeen :
>1.In Cumar lagu soo wareejiyo hubkii Jen. Gaani ciidamada Ethoipia ka
>qabsadeen markuu u socday dhinaca Galgaduud 1992 kii , hubkaas oo dhamaa 35
>Tikniko ah iyo hub yar yar oo fara badan.
>2.In lasiiyo taagaara dhaqaale oo u suuro galinaysa in uu maamulo gobollada
>koonfureed siiba Gedo & labada Juba , iyo in uu noqdo ninka mustaqbalka danaha
>
>maraykanka & Ethoipia ka fuliya Soomaaliya , ayaguna ay dhinac walba ka garab
>
>istaagaan. Maxaase dhacay ? Amxaaro ayaa gaddeedii la soo baxday , ninkii
>Cumar ahaa waa la garab bidixeeyay , Afartii nin ee heshiiska Suufka la
>saxiixday ,laba waa ladilay mid waa la qafaashay midna waafakaday, mar uu
>Addis tagay si uu arrimahaas madaxda sare ee Ethoipia ugala hadlo waxaa la
>amray in uu laba xiddig laha Doolow jooga wuxuu u baahdo kala xiriiro , waxaa
>
>latusay in ay naftiisu khatar ku jirto wax loo qabto iska daaye , waxaa loo
>sheegay in hadduu tagana aan boos banaanaanayn oo Buraale & Burkuus baa u
>malabsanaya xilkiisa , Cumar talaa ku caddaatay ( Gablan talo adduuney maxay
>galabba heer joogtay ) , siduu ragiisa u sheegay hanti maraykanku siiyay waxaa
>
>leexsatay Tigreeda , haddaba oraahdii Amxaaro afkay kugu shumisay kugu
>qaniintaa , ayaa Cumar ka soo ifbaxday , waxaase nasiib darraa inuusan
>qaniinyada dareemayn ilaa la goosto , Cumar iyo Tigree waa u kala dhammaatay ,
>
>oo halkeebuu jaanta saari ? aanu isla aragno.
>
>5.CUMAR XAAJI , SALBALLAAR & INA CAYDIID
>kaddib markuu jananka ka soo xirmay qandaraaskii tigreedu wuxuu jaanta saaray
>
>dhanka maamulkii Salballaar ee uu dhaxaltooyada ku maamulayay Xuseen M.
>Caydiid , maamulkaas oo laftiisu liicayay ayay ula muuqatay in ay Cumar Xaaji
>
>ku dad badsan karaan , waxay ina caydiid isla tageen wadamo ay ka midyihiin
>Masar , Liibiya & Kenya , intuu jananku isbahaysigaas ku jiray wuxuu BBCda ka
>
>sheegay in ay Ethoipia dhulka soomaaliya duullaan ku hayso !!, hase yeeshee
>ina caydiid layskuma daahin , oo waayo ? waxaa Cumar ku eedeeyay dhawr arimood
>
>1.In intii booqashooyanka lagu jiray uu Xusseen u talinayay , masuuliyiintii
>la qabilayayna uu kaligi la xaajoonayay isagoo ragga kale ku shaagay in ay
>yihiin taageerayaalkii aabbihi oo isagu dhaxlay !!.
>2. In wixii dhaqaale ahaa ee la helay ayan gacanta Agoonka soo dhaafin.
>3.Taas waxaa dheer iyadoo Jananka looga shakiyay in uu sir badan u gudbiyay
>Amxaarada siiba xiriirkii lala lahaa Oromada.
>Guntii hadalka jidkaasina waa xirmay oo waliba agoonka si fool xunbaa loo
>dagaalamay , tolow halkee qaban doonaa ? malaga yaabaa in uu markaan maskax
>fayaw ku fakaro oo uu ceebtaan joogtadaa lugaha kala baxo , Ilmihiisa Denmark
>
>ku dac daraysanna xanaanaysto ? haba ka yaabin Waayo ? mar labaad xasuuso:
uulkii Obliis saar u tumo ee la sababaayo
>Salka meel madhigo balo nimay soo kac leedahaye !!
>
>6. CUMAR & SHIRKII DJABUTI &DAWLADDA KMG
>Waxaan soo tilmaanay in ay jananka wadooyinkii oo dhani kasoo xirmeen , tii
>beeshiisa , tii Ethoipia ( sida muuqatay ) iyo ugu danbayntii tii salballaar ,
>
>isagoo xaalkiisu sidaas marayo kob uu jaan &cirib dhigana garan la, ayaa lagu
>
>dhawaaqay shirkii dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee Djabuti , wuxuu ka mid
>ahaa dadkii ugu horeeyay ee shirkaas tagay , ma wado kalaa u foran ? Jananku
>wuxuu ku han waynaa in uu dawladda halkaas lagu dhisi doono madaxwayne ka
>noqdo !! waxaase waa ku baryay markii beeshiisa oo garanaysa halkuu
>dhacaankooda dhigay ay kareebeen xubnaha baarlamaanka u galaya , gar &
>gardarro Cumar baarlamaankii waa lagu daray , kaddib markii nin kursigiisii
>uga tanaasulay , wuxuuse meel dhigtay in uu yahay wasiirka Gaashaandhigga ,
>waa labaad baa ku baryay kolkii la magacaabay wasiirrada iyo ku xigeennadooda
>
>magiciisiina uu ka waayay , waxaa u caddaatay inaan dhanna laga jeclayn ,
>Albaabkaanina waa isa soo laabay , Markaanna halkee qaban doonaa ? Sow mar
>kale iyo jamhaddii EPRDF ma,aha , Qaalinkii buubka ahaa wuxuu ka dagay Nairobi
>
>, mar kale ayay safaaradii maraykanku u kala dab qaadday isaga & Tigree ,
>cidkastoo qaranimada Soomaaliya diidani waa saaxiib Amxaaro e waa la soo
>dhaweeyey , wuxuu tegay Kismaayo si,uu dadka Dhiilo dagaal u galiyo , ugu
>danbayntiina wuxuu ka qayb galay shirkii Ceelbarde si,uu dawladdii Koonfur
>galdeed Ethoipia u bixisay wax uga dhiso , Wxaa lagu qasbay in uu BBCda ka
>cadeeyo in uu Dawlada KMG ah ka baxay lana diriri doono , waqtigaas laba
>todobaad ka hor ayuu BBCda ka sheegay in uu Dawladda KMG ah xubin baarlamaan
>ka yahay lana shaqaynayo , Allaw sarriigta hanaga qaadin. Waxaa iswaydiin
>mudan jananku maka helay Dawladii Ceelbarde ee Ethoipia dhoodhoobaysay jagaduu
>
>ku taamayay ? waa nin inkaar waalid qabee waxaa lakala dooransiiyay laba jago
>
>midood waa mide in uu madxwayne ku xigeen sadexaad u noqdo Shaati guduud &
>Jen. Aadan gabyaw , waatan labaade in uu kuxigeenka taliyaha ciidanka u noqdo
>
>Jen. Moorgan , arrintaasi aad ayay uga caraysiisay janaka , lama filaanna way
>
>ku noqotay , waa mar kale iyo safaaraddii Maraykanka ee Nairobi , si ay
>Ethoipia uga dhaadhiciso jagadii la siin lahaa Cumar Xaaji , dhex
>dhexaadintaasi kuwii hore ma dhaami doontaa ? waanu u wada joognaa.
>
>7.GUNTII & GABA GABADII HADALKA
>Ugu danbayntii Cumar Xaaji wali kama daalin waddadii gudcurka ahayd ee uu u
>hayay in uu noqdo madaxwaynaha Soomaaliya , walina kama daalin ku dhaqanka
>cilmigii uu bartay ee ahaa in naf la gooyo , filina maayo in uu daali doono
>inta noole jiro , ama asaga godka lagalinaayo , waa yaabe maxaa wada ? Jagaa u
>
>bidhaantay wuxuu is tusay iyadoo madaxwayne la leeyahay , baaba,aas uu dalka u
>
>gaystayna Wiil , Walaal , iyo waalid toonihi ugama dhiman , hantiyi ugama
>guban hoyna ugama bur burin , haddaba waxaa yaab leh maxaanu isaga qaban la ,
>
>nahay isaga iyo inta la jaadka ah ? dhibaatada uu soomaaliya u gaystay waa mid
>
>aan la koobi karin , siiba gobalka Gedo oo aan weli kasoo kaban bur burkii
>Ethoipia u gaysatay ,1993 kii waxaa gobolkaas ka dhisnaa xadex dugsi dhexe ,
>oo ay barayaal ka ahaayeen macallimiin jaamacadeed , iyadoo dhamaadka 1996 dii
>
>lagu tala jiray furidda dugsi sare , maantase waxaa ka furan hal dugsi dhexe
>oo kaliya , sidaasoo ay tahay wuxuu hadda usoo xaydanayaa in uu gobollada
>koonfureed dagaal cusub galiyo , wiilashoodana ku laayo in ay yihiin
>Jabuutiyiin , halka uu kuwii hore ku laayay in ay yihiin Sacuudiyiin , miyaanu
>
>u garba duubnaan doonnaa inta uu nawada gabawarayo mise gacantaan kala hormari
>
>doonnaa ?
>Waxaan qraalkan yar kusoo xirayaa laba maaso oo curiyay Sayid Maxamed C/lle
>Xasaan , bal in ay tusaale u noqoto dhuuni qaatayaalka dhulkoodii u gubaya
>cadawga dantiisa , wuxuuyiri:
>Ha , itiri horaa rag ugu lumay himiladoodiiye
>Hawadooda beentaa ayay hebello eedeene
>Waxay hoosta gaal uga jiraan inuu u hiishaaye
>Asna inuu halaaguu rabaa hogob ka tuuraaye
>Uu u horkacaa naarta iyo holacyadeediiye
>Hunguraa u geeyaye anfaco hooya muu orone
>Hantidooda inuu dhoofiyuu haabka ku hayaaye
>Oo weliba uu ugu hanjebi dhiifna ku hadlaaye
>Ay hoos indhaha ugu rogaan sida haweenkiise
>Habaar baa ku biiriyo cuqubo waalidoo hare e
>Inuu hoysto mooyee wax kale shaw umay harine !! ( yaa huba kuwaan inaan la
>hoysan ) , sayidku wuxuu kaloo yiri:
adaw maqal daduubtaan ku iri ama dan how yeelan
>Ama dhaha darooryiba jiryaye doxorka yeelkiisa
>Nin ragey dar daaran u tahaye doqon ha moogaado
aw lagama helo gaal haddaad daawo dhigataane
>Waa idin dagaayaa kufriga aad u debcaysaane
irhamkuu idiin qubahayaad dib u go , aysaane
>Marka horedabkuu idinka dhigi dumar sidiisiiye
>Marka xigana daabaqadda yuu idin dareensiine
>Marka xiga dalkuu idinku oran duunya dhaafsada e
>Marka xiga dushuu idinka rari sida dameeraade
>???.
>
>Geba gebadii hadalka waxaan ka codsanayaa qof kasta oo wax xog ah ka haya
>dagaal oogayaalka in uu iisoo gudbiyo si,aan ugu kaashado qoraallo & baaritaan
>
>aan ka samaynayo arintaas.
>Waxaa qoray :
AAHIR CUSMAAN KAYNAAN
>SEATTLE WA USA
>E - MAIL: KAYN25@USA.NET