Wax lala yaabo waxa ah in Xasan Abshir rabo Boosaaso inuu tago isagoo wali aan Puntland ka soo kaban ceebtii iyo dhibtii uu ka dhex abuuray. Dadka wadaniyiinta ah waxaan kula talin lahaa in ay u diidaan shakhsi noocaas ah inuu qabiil awgiis ku yimaado dalka. Isagoo kale loogama baahna Puntland, waa in aan ka iska daynaa inaan ugu habrano isagoo kale qabiil magaciis. Isaga iyo kuwa uu hadda u shaqeeyaa waa isku mid. Fadlan wadanka intaanu dhib kale ka abuurin ha loo diido, waa shakhsi ay ceeb tahay inuu sheegto dadka iyo dalka.
