Bismillahi:

Assalaamu Caleykum;

Ugu horrayn waxaan salaan iyo mahadnaq usoo jeedinayaa dhammaan akhristayaasha bogga BaroHTML. Waxaan kale oo mahad usoo jeedinayaa dhammaan akhyaarta emailada gaarka ah iisoodiray oo ay kuxusayeen sida ay uga faa'iideen qaybta HTML, halkaas oo ay ka kororsadeen aqoon laxiriirta barshada samaynta shabakad Internetka kasoo baxda.

Waxaan ku faraxsanahay in aad ka faa'iideen qaybtaas [html.somalitalk.com ], waxaan ku faraxsanahay in qoraalada aan halkaas kusootebiyey ay faa'iido weyn yeesheen, dad aad u farabadanina ay maalinwalba ka faa'iidaan, Mar aan maanta fiiriyey qaybta tirakoobka waxaa shalay July 26, 2001 akhristay qaybtaas qiyaastii 1100 Qof [Kun iyo Boqol Qof, waa qaybta HTML oo qura] sida ay tirakoobka (statistics) ii muujisay. Taas oo xaqiiqadii farxad ah hadii intaas iyo inkabadanba ay ku xiranyihiin qaybtaas, kuwaas oo maalinwalba sii badanaya. Taas waxaan idiinla qaybsanayaa in aad ogaataan sida ay hadda Soomaalidu heeganka ugu tahay barashada culuunta Internetka. Aniguna wixii awoodayda aan HTML ka garanayo aan halkaas kusoo tebinayo, insha Allah, iyo weliba iyadoo dhiirigelin u ah akhristayaasha marka ay ogaadaan in dadaalkoodu uu miradhalay oo dad lamida ay sidooda halkaas uga faa'iidaysanayaan.


Mahad oo dhan Alaah ayaa leh, Allaha inoo sahlay in aan si sahala ugu wada xiriiro qaybtaan, Allaha inoo sahlay in aan kala faa'iidaysankaro, Allah inoo fududeeyey in aan ka faa'iidaysan karo macluumaadka internetka.

Dhankayga waxaan marwalba diyaar idiinla ahay wixii aad ka aqaan HTML in aan la qaybsado walaalahay, waxaana idinka idinka codsanayaa wixii aqoon ah ee aad halkaas ka kororsataan in aad sii gaarsiisaan qofkale oo u baahan aqoontaas si cilmigaasu uu u noqdo mid lagu faa'iido oo lagasii faa'iido.

Waxaan walaalahay uga cudur daaranayaa hadii aanan kasoo jawaabin qoraaladii ay kusoo tebiyeen Forumkii hore ee COOLBOARD - sida lagayaabo in aad lasocotaan Coolboard oo ahaan jirey qaybta ugu weyn ee boggag internetka siisa Forumka qaybtaas wey joojiyeen sidaas ayaana qoraaladoodii ay hawada uga baxeen, waxaana muddo ku mashqulsanaa in aan helo Forum bedelikara, kan ayaana kusoo bedeley, sidaas daraadeed hadii aanan kasoo jawaabin qoraaladaas hore raali iga ahaada, waxaana markale idiin xaqiijinayaa, Insha Allah, in aan diyaar idiin la ahay in aan idinka faa'iideyso wixii aqoon ah aad aad idheertihiin, idiina faa'iideeyo wixii aan garanaayo, Insha Allah.

Mid kamida akhristayaasha Qaybta HTML ayaa email iisoodiray, isagoo aad u faraxsan ayuu iisheegay in markii uu Print kusamaystay qaybtaas ay noqotay qiyaastii 75 bog (sidaan u malaynayo in uu yiri), waxaan u diray email aan ugu sheegayo sida aan arintaas ugu faraxsanahay, waxaanse kaxumahay in aanan samayn qayb "PRINT FRIENDLY- ah taas oo u sahlilahayd walaalkay in ay bogagaasu nqonlahaayeen in kayar 45 bog taas oo waraaqo badan walaalkay u xafidilahay. Insha Allah mustaqbalka arintaas waan samaynayaa (printFriendly), inkasta oo aana isla hadda balan qadayn waqtiga oo igu yar awgeed, waanse dadaalayaa.

Waxaan dhankiina ka rajaynayaa wixii talo ah, waxaan idnkana idinkula talinyaa in aad isku taxalujisaan sidii aad uga faa'iidilahaydeen qoytaas, html.somalitalk.com . hana u dayma la'aanina qaybaha kale ee walaalahay qoraan ee Qaybta JAVA java.somalitalk.com/ iyo Qaybta C++ Programming programming.somalitalk.com/ .

Walaalkiin Maxamad Cali
Canada
July 27, 2001

Wabillaahi Towfiiq